Al Shabaab oo sarkaal katirsan maamulka Hirshabelle ku dishay magaalada Beled Weyne.

Tuesday August 11, 2020 - 19:33:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sarkaal katirsan maamulka Hirshabelle ku dishay magaalada Beled Weyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal gaar ah oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal gaar ah oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.


Sida wararku sheegayaan  weerar qorshaysan oo ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu khaarijiyay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Nin lagu magacaabi jiray Geelle Gaare ayaa ku baxay gacanta dagaalyahanno aad u hubaysan, sarkaalka ladilay ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenka waaxda Xaawa Taako ee magaalada Beled Weyne.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items