Ciidamada Al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan katirsan gobolka Mudug.

Wednesday August 12, 2020 - 08:06:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan katirsan gobolka Mudug.

    Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa saaka arootii hore weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada maamulka isku magacaabay Galmudug ku lahaayeen gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa saaka arootii hore weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada maamulka isku magacaabay Galmudug ku lahaayeen gobolka Mudug.


Wararka ka imaanaya bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay tuulada Shabeeloow oo hoos tagta deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka iyo saldhig melleteri oo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka maamulka Galmudug.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in 9 askari oo katirsanaa ciidamada 'Galmudug' lagu dilay weerarka oo ahaa mid aad u xooggan, sidoo kale qarax miino ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo gurmad ahaan ugasoo baxay deegaanka Bacaadweyn.


Wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items