Faah Faahin: Dagaal 13 Askari lagu dilay oo ka dhacay duleedka Bacaadweyn.

Wednesday August 12, 2020 - 13:12:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Dagaal 13 Askari lagu dilay oo ka dhacay duleedka Bacaadweyn.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saakay ka qarxay duleedka deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saakay ka qarxay duleedka deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF.


Weerarka oo ay qaadeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lala beegsaday xero ay ciidamada DF kuleeyihiin deeganka Shabeeloow ee duleedka Bacaadweyn waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gabi ahaan gacanta ku dhigay saldhigii ciidamada DF ee weerarka lagu qaaday kadib dagaal socday muddo hal saac ah waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur gaadiid dagaal intaba,


Ugu yaraan 13 katirsan ciidamada DF ayaa lagu dilay goobta dagaalka kuwaas oo 9 kamid ah maydadkooda lagu arkay xeradii la qabsaday halka dhaawucuna uu intaas ka badanyahay.

Waxaa jira saanad milatari oo lagu qabsaday xerada ciidamada DF-ka ee lala wareegay, sidoo kale waxaa dagaalka ku gubtay gaadiid nooca dagaalka ah.

Deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Mudug   ku yaalla xero ay deganyihiin ciidamada DF waxaana 21-kii bishii Juun ee lasoo dhaafay Mujaahidiintu ay la beegsadeen camaliyad ishtish-haadi ah halkaas oo khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba lagu gaarsiiyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items