127 qof oo ku dhintay dagaallo dib uga qarxay dalka Koonfurta Suudaan.

Wednesday August 12, 2020 - 12:49:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    127 qof oo ku dhintay dagaallo dib uga qarxay dalka Koonfurta Suudaan.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo gudaha wadanka Koonfurta Suudaan ku dhaxmaray maleeshiyo beeleed hubaysan iyo ciidamo melleteri ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo gudaha wadanka Koonfurta Suudaan ku dhaxmaray maleeshiyo beeleed hubaysan iyo ciidamo melleteri ah.


Wararka ka imaanaya bartamaha Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 127 ruux ay dhinteen boqolaal kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii uu dagaal ka dhax qarxay maleeshiyaad ku sugan degmada Toong iyo ciidamo melleteri ah.

Afhayeen melleteri oo u hadlay xukuumadda Jubba ayaa sheegay in dagaalku uu bilaawday kadib markii ay ciidamadoodu isku dayeen fulinta howlgal hub ka dhigis ah oo lagu sameynayay dadka deegaanka.


Dadka dhintay 82 kamid ah waa dhalinyaradii hubaysneed ee degmada Toong halka 45 qof ay ahaayeen ciidamo melleteri ah, dowladda Koonfurta Suudaan waxay ku adkaysanaysaa in ay sii wadi doonto howlgalka hubka looga dhigayo qabaa'illada.

Dalkan yar ee dhaca bariga qaaradda Afrika oo sanaddii 2011 xuriyaddiisa ka qaatay dalweynaha Suudaan waxaa halakeeyay dagaallo sokeeye oo udhaxeeya dagaal oogayaasha xukun doonka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items