Caabuqa Covid19 oo kusoo rogaal celiyay dalka Faransiiska.

Wednesday August 12, 2020 - 12:44:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caabuqa Covid19 oo kusoo rogaal celiyay dalka Faransiiska.

    Caabuqa safmareenka ah ee Covid19 ayaa markale kusoo laba kacleeyay dalka Faransiiska oo safka hore uga jira dalalka ladhibaata Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa safmareenka ah ee Covid19 ayaa markale kusoo laba kacleeyay dalka Faransiiska oo safka hore uga jira dalalka ladhibaata Carona Virus.


Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in safmareenka Carona uu faraba ba'an ku hayo dadka ku dhaqanta shanta magaalo ee wadankaas ugu weyn.

Jean Castex oo ah R/wasaaraha Faransiiska ayaa booqasho uu ku tagay gobollada kadib wuxuu iclaamiyay in halis hor leh kusoo food leedahay shacabka isagoo walaac ka muujiyay qaabka loola tacaamuli karo caabuqan soo laba kacleeyay.

Xukuumadda Paris ayaa muwaadiniinteeda ku amartay in ay joogteeyaan qaadashada Maaskada sanka iyo afka looga xirto caabuqa Covid19.


Dadka Faransiiska waxaa lagu amray in ay u hoggaansamaan dhammaan amarrada cusub ee ku saabsan ka feejignaanta Carona Virus si looga hor tago gummaad cusub oo cudurkan uugeysto.

Dad gaaraya 30,354 qof ayaa Carona Virus ugu dhintay Faransiiska waana dalka sedaxaad oo ugu dhimashada badan qaaradda Yurub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items