Iska hor'imaad Askar looga dilay ciidamada maamulka 'Jubbaland' oo ka dhacay deegaanka Buula Guduud.

Wednesday August 12, 2020 - 17:05:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaad Askar looga dilay ciidamada maamulka 'Jubbaland' oo ka dhacay deegaanka Buula Guduud.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ee dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa afar jeer uu maanta dagaal ka dhacay tuulada Buula Guduud oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad ay tababartay dowladda Mareykanka.

Khasaaraha gaaray ciidamada maamulka 'Jubbaland' ayaa lagu sheegay 4 dhimasho ah iyo dhaawaca 7 kale, jugta madaafiicda iyo hugunka rasaasta lays dhaafsanayo ayaa laga maqlayaa degmooyinka Kismaayo iyo Kamsuuma oo kawada tirsan Jubbada Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items