Sarkaal katirsanaa Nabad Sugidda oo ku dhintay qarax ka dhacay degmada Waaberi.

Thursday August 13, 2020 - 06:12:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa Nabad Sugidda oo ku dhintay qarax ka dhacay degmada Waaberi.

    Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helay qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helay qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Qaraxa oo haleelay gaari Roneed ah wuxuu ka dhacay xaafadda Afisyooni ee degmada Waaberi halkaas oo kamid ah meelaha ay ku xoogantahay dowladda Federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxa oo lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Nabad Sugidda dowladda.

"Mujaahidiinta ayaa qarax ka dhacay degmada Waaberi ku dilay sarkaal katirsanaa sirdoonka Ashahaadda ladirirka kooxda Ridada laba askar oo ilaala u ahaana waa ku dhaawacmeen" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Sarkaalka ladilay ee katirsanaa Nabad sugidda ayay darajadiisa ciidan aheyd Gaashaanlle sare waxaana magaciisa lagusoo gaabiyay Nuur, goobta qaraxu uu ka dhacay waxaa aad ugu badan saraakiisha Nabad sugidda.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay kusii badanayay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items