Muslimiinta Hindiya oo dhigay dibad baxyo ay ku difaacayaan Nabiga SCW.

Thursday August 13, 2020 - 06:10:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta Hindiya oo dhigay dibad baxyo ay ku difaacayaan Nabiga SCW.

    Tobanaan kun oo muslimiin reer hindiya ah ayaa ka qeyb galay dibad baxyo ballaaran oo gilgilay magaalooyin dhaca Koonfurta wadankaasi Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan kun oo muslimiin reer hindiya ah ayaa ka qeyb galay dibad baxyo ballaaran oo gilgilay magaalooyin dhaca Koonfurta wadankaasi Hindiya.


Wararka ka imaanaya magaalada Bangaaloor ayaa sheegaya in shalay halkaas ay ka dhaceen iskusoo baxyo aad u ballaaran oo ay dhigayeen muslimiinta aqlabiyadda ku ah magaaladan.

Dad ka caraysan aflagaado uu siyaasi gaal ah ugeystay Nabi Mux'med Sallallaahu Caleyhi wasallama ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada waxayna weerareen xarumo boolis iyo guri uu deganaa nin xildhibaan ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliska dowladda kaafirada Hindiya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 60 askari oo boolis ay ku dhaawacmeen iska hor'imaadyo gacmaha layskula tagay oo dhax maray muslimiinta diinkooda uqiirooday iyo ciidamada Booliska.


Nin ladhashay xildhibaan katirsan golaha deegaanka magaalada Bangaaloor ayaa bartiisa Facebook ku qoray Post uu ku aflagaadeynayo Nabi Muxamed Sallalaahu Caleyhi wasallama waxaana arrinkaas islamarkiiba ka falceliyay muslimiinta hindiya oo qaaday weeraro dhiig badan ku daatay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in isku dhacyo dhaxmaray booliska iyo muslimiinta qiiraysan ay ku dhinteen 2 qof tobanaan kalane ay ku dhaawacmeen, muuqaallo lagasoo qaaday magaalada Bangaaloor ayaa muujinayay dadka caraysan oo isku dayaya in ay xoog ku galaan guriga uu deganaa gaalka Nabiga caayay iyo ciidamada booliska oo rasaas ku ridaya shacabka.

Warbaahinta maxalliga Hindiya ayaa sheegtay in ciidamada booliska ay dadka iskusoo baxyada dhigayay u adeegsadeen rasaasta nool nool iyo sunta dadka ka ilimaysiisa.

Taliyaha booliska magaalada Bangaaloor ee dowladda Hindiya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninka Nabiga caayay ee ladhashay xildhibaanka iyo 100 qof muslimiin ah oo ku eedaysan in ay abaabulaan dibad baxii lagu difaacayay Nabiga SCW.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items