Wasiirro katirsan Dowladda oo isku dhax feeray Xafiiska R/wasaaraha.

Thursday August 13, 2020 - 20:53:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro katirsan Dowladda oo isku dhax feeray Xafiiska R/wasaaraha.

    Kulankii ay golaha wasiirrada xukuumaddii Xasan Cali Kheyre maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kusoo idlaaday buuq iyo gacan ka hadal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii ay golaha wasiirrada xukuumaddii Xasan Cali Kheyre maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kusoo idlaaday buuq iyo gacan ka hadal.


Laba wasiir oo katirsan xukuumadda shaqada sii haysa ayaa isku dhax feeray xafiiska R/wasaaraha arrinkaas oo sababay in shirkii golaha wasiirrada si degdeg ah loosoo gaba gabeeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Axmed Amar Dambe iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Xagaa ayaa isku dhax feeray shirkii golaha wasiirrada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labadan nin ay isku qabteen arrimo ku aaddan wasaaradda ay madaxda ka yihiin, maalmihii lasoo dhaafay ayaa lahadal hayay khilaafka udhaxeeya madaxda wasaaradda G/dhigga.


Waa markii ugu horraysay oo xubno katirsan golaha wasiirrada dowladda Farmaajo ay is feeraan horay waxaa udhici jirtay in xildhibaannada baarlamaanka ay kuraas isla dhacaan marka ay doodayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items