Mareykanka oo dowladda Farmaajo ku amray in ay waqtigeeda ku qabato doorashada madaxtinimo.

Thursday August 13, 2020 - 20:56:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dowladda Farmaajo ku amray in ay waqtigeeda ku qabato doorashada madaxtinimo.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa digniin iyo awaamir loogu diray dowladda Federaalka Soomaaliya ee camiilka u ah dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa digniin iyo awaamir loogu diray dowladda Federaalka Soomaaliya ee camiilka u ah dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay.


Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aan marnaba dib loo dhigi doonin doorashada madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga DF-ka.

"Nooca doorasho ee raalli la isaga yahay wuxuu u baahan yahay DFS, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyayaasha siyaasadda" ayaa lagu yiri warka Mareykanka kasoo baxay.

Safaaradda Mareykanka ayaa warka ay soo saartay ku muujisay in ay isha ku hayn doonto shirka dhowaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka uga furmi doono magaalada Dhuusamareeb kaasi oo lagu heshiin doono ama lagu kala tagi doono.


Xukuumadda Washington ayaa ku amarta dowladda Federaalka in ay doorashada waqtigeeda ku qabato arrinkaas oo muujinaya sida Mareykanku dusha sare uga maamulo xukuumadda kajirta Villa Somalia.

"Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsiā€¯ayaa la sii raaciyay qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si aad ah ugasoo horjeesatay waqti kororsi ay sameystaan Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka maalmo kadib markii la eryay Xasan Cali Kheyre.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items