'Beesha Caalamka' oo digniin culus udirtay Farmaajo kana hadashay doorashooyinka.

Saturday August 15, 2020 - 13:12:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' oo digniin culus udirtay Farmaajo kana hadashay doorashooyinka.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale soo saartay war ay ku cadaadinayaan dowladda Federaalka ugana digayaan waqti kororsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale soo saartay war ay ku cadaadinayaan dowladda Federaalka ugana digayaan waqti kororsi.


Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladaha iyo ururada gummeysiga ku haya dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in haddii uusan qabsoomin shirka Dhuusamareeb ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka jirta ay sii murgi doonto sida ay hadalka udhigeen.

"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay ku hanweynyihiin shirka ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dib isugu imanayaan magaalada Dhuusamareen 15ka bishan Agoosto, sida qorsheysan, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan dhammaan madaxda DGXDF iyo DFS" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.


'Beesha Caalamka' ayaa dowladda Farmaajo uga digtay in ay sameyso wax walba oo wiiqaysa wada shaqeynta kala dhaxaysa maamul goboleedyada.
Warkan umuuqday digniinta ee ku socda xukuumadda kajirta Villa Somalia waxaa ka horreeyay goodis ka yimid safaaradda Mareykanka ee Muqdisho kaasi oo soo baxay khamiistii lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items