Saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Buurdhuubo oo weerar culus kala kulmay Al Shabaab.

Sunday August 16, 2020 - 07:03:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Buurdhuubo oo weerar culus kala kulmay Al Shabaab.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar aad u xooggan lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Buurdhuubo
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar aad u xooggan lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya.


Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro qorshaysan ku qaaday saldhigyo iyo difaacyo ay ciidamada Itoobiya uga sugnaayeen degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka ugu xooggan ee khasaaraha badan dhaliyay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ka sameysteen agagaarka Buundada degmada.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaasta iyo madaafiicdii ay labada dhinac iswaydaarsanayeen, warar hordhac ah ayaa sheegaya in saraakiil katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarkii xalay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu xooganaa ee sanadkaan ka dhaca degmada Buurdhuubo halkaas oo ciidamada Gummeysiga Itoobiya ay duullaan ku qabsadeen sanaddii 2015.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items