Kacaankii Wadaadada W/Q Wadaadyare

Sunday August 16, 2020 - 16:36:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Kacaankii Wadaadada W/Q Wadaadyare

    Xilligii gumeystaha illaa marxaladihii dhexe ee dawladihii soomaaliya waxa jirey taariikho badan oo soomaalida laga qorey, badankood looma qori jirin qaab islaami ah, marar dambe waxa soo baxey aqoonyahanno barakeysanoo hir geliyey Warbaahin u adeegt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilligii gumeystaha illaa marxaladihii dhexe ee dawladihii soomaaliya waxa jirey taariikho badan oo soomaalida laga qorey, badankood looma qori jirin qaab islaami ah, marar dambe waxa soo baxey aqoonyahanno barakeysanoo hir geliyey Warbaahin u adeegta sidii loo heli lahaa dawlad islaamiah faafisana dhaqanka toosan ah ee ummadda soomaaliyeed ee muslimka ah.


 Qormadanina waxa ay kamid noqon doontaa qormooyin baraarujin ah oo bulshadu ay wax uun ka faa’iidi doonaan idam alle.

Intii lagu gudo jirey wakhtigii dawladdii hanti wadaagga ahayd ee Maxamed Siyaad barre waxa maaddi ahaan kobcay kaabayaasha dhaqaale ee soomaaliya laakiin waxa aad hoos ugu dhacey hiddihii iyo akhlaaqdii diineed.Waxa wax iska caadiya noqday goobo ay dadka qaar u tegi jireen cabbidda khamriga iyo dhaqan xumooyinkii kale.


Aragti ahaan kacaanka wadaadada soomaalida ee casriga ahi waxa uu ka soo bilaabmey 1975-kii. Haddaba inta aynaan gelin sidii dawladdii hantiwadaaggu ugu ciyaartey diinta waxa lagama maarmaan noqotey in aan idiin soo gudbiyo qayb kamid ah khudbaddii ugu horeysay ee Maxamed Siyaad Barre jeediyay isaga oo madaxweyne ah. Sida uu buuggiisa ku tibaaxey danjire Axmed Aadan Qaybe oo ahaa wasiirkii arimaha dibedda ee ugu danbeeyay dawladdii dhexe ee soomaaliya waxa uu ku sheegay in uu siyaad barre yidhi 23 October, 1969 "Haddii loo baahdo awoodda aan haysanno oo dhan waxa aan ku xoojin doonnaa diinta islaamka oo lagu cayaarey”.Inkastoo markaa iyo sagaalkii sano ee ka horeysayba aaney jirin dawlad diineed haddana si fiican baa loo soo dhaweeyay inqilaabkii askarta.

Hadalkaas Maxamed Siyaad Barre kama uu dhabeyn, maalin axad ah 12 jeeniwari 1975-kii ayaa uu khudbad ka jeediyey Istaadyow Koonis(stadium conis) khudbaddaas oo taariikhda gashey. Waxa uu ka hadley xeerkii qoyska iyo weliba aayaad uu beeniyey. Isla 17 jeeniwari ayaa sheekh la odhan jireyAxmed sheekh maxamed Cismaan uu khudbaddii jimcaha ku soo qaatey gefkii diinta loo geystay waxa aanu gacanta bidix ku sitey Wargeyskii XiddigtaOktoobar oo khudbadda madaxweynuhu ku qornayd, halka uu gacanta midigna ku sitey KitaabkaQuraanka ah.

Waxyar kadib waxa xabsiga loo taxaabey dad badan oo kasoo horjeeday gefkaas diineed ee madaxweynaha. Wadaadadii la xidhey waxay ahaayeen dhowr iyo soddon wadaad, 10 kamid ah waxa lagu xukumey dil toogasho ah, 6kalena 20sannadood halka 17 kalena lagu xukumey 30sano. Hase ahaatee qisooyinka yaabka leh ee la wariyo waxa kamid ahaa, inculimada la laayey uu ku jirey wiil yar oo 17sano jir ahaa,kolkii hore se loo diwaan geliyey 18 sano. Xeerkii markaas waddanka u degsanaa ma uu dhigayn in dil lagu fuliyo qof 18sano ka yar. Wiilkii 17jirka ahaa markii uu ogaadey in la wado hab looga baajinayo dilka ayuu ku qayliyey "Waar jannada ha iga reebina”. Ilaahay ha u naxariisto dhammaantood.

Markii ay taatiikhdu mareysay 1 julaay, 1976 ayaa lagu dhawaaqey Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S) dalkiina waxa laga hirgeliyey hal xisbi oo aaney cidina ka daba hadli karin. Ku dhawaaqiddii xisbigu waxba kama ay bedelin aragtidii laga haystey culimada waxaana aad u shaac baxdey kelmadda wadaad xume. Markii la gaadhey sannadkii 1977-kii waxa qarxey dagaalkii xabashida iyo soomaalida, dagaalkaasoo lagu riiqmey waxa kamid ahaa culimadii ka qayb gashey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo waagii burburka kadib qayb laxaadleh ka soo qaatey dacwaddii iyo kacdoonnadii islaamiga ahaa ee lagu rabey in lagu yagleelo dawlad islaami ah.

 Dagaalkii ogaden waxa fagtii hore lagu jabiyey dawladdii guunka ahayd ee itoobiya balse waxa markii dambe quwadihii waaweynaa ee USAiyo USSRku heshiiyeen in dhinac laga noqdo duullaanka soomaalida oo la taageero itoobiya.

Sababihii ugu waaweynaa ee Midowgii Soofiyeet u raacey itoobiya oo dad badani aaney war ka hayn waxa kamid ahaa:
1: itoobiya waxa ay ruushka wadaagaan xidhiidh qoto dheer waana isku mad’hab diineed, labadooduba waxa ay haystaan mad’habta Orthodox-ka. Si aad u ogaato xidhiidhkaas waxa aad ka akhriyi kartaa buuggii safiirka mareykanka u fadhiyey soomaaliya uu ka qorey soomaaliya 1984-1986-kii Peter Bridges. Kaas oo xidhiidhka itoobiya iyo ruushka ku sheegay mid jacayl ku dhisan isla markaana dagaalkii Adwa ee itoobiyaanku ay ku jebiyeen talyaanigii kaatoligga ahaa ay ka qayb qaateen khuburo millateri iyo saraakiil ruush ahi, dagaalkaasina waxa uu dhacey 1896-kii.

2: Soomaalidu waa ummad raacato siman ah isla markaana qabiilna aanu qabiil gumeysan karin laakiin itoobiya waxa ay ahayd haddana tahay meel gumeysi ka jiro hantida oo dhanna boqorku leeyahay xilligii la rabona uu la wareegi karo. Nidaamkoodii xilligaas 80% dhulka, waxa lahaaKiniisadda ama qoyska boqortooyada . Is addoonsigaas baa sababey in aan amarka dawladda la diidin oo loo dhego nuglaado.Ruushkuna taas soomaalida kama uu heli karin.

3: Dadka soomaalida oo 100% islaam ah isla markaana leh culimo dhiiran oo diinta iyo dadkaba u damqada si fududna aan ku aamini karin khuraafaadkii shuuciyadda.

Sababahaas iyo sababo kale oo badan lana xidhiidhey shakhsiyaddii Maxamed Siyaad barre ayaa kamid ahaa waxa uu ruushku u doortey itoobiya.

Dadkeenna oo aan akhriska dheer aad u jeclayn darteed halkaas baan ku joojiyey qaybta 1aad.

Lasoco Q.2aad

W/Q: Wadaadyare Xaashi.


Related Items