Ciidanka Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Xerada GoofGaduud Iyo Maleeshiyaadbadan Oo laxasuuqay

Monday August 17, 2020 - 06:27:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 1816
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Xerada GoofGaduud Iyo Maleeshiyaadbadan Oo laxasuuqay

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar aroornimo kula jarmaaday saldhigga maleeshiyaatka Soomaalida ee deegaanka Goof-Gaduud ee duleedka magaalada Beydhabo, halkaas oo ay dagan yihiin boqolaal kamid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir: Saldhiga Ingiriiska ee Beydhabo
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar aroornimo kula jarmaaday saldhigga maleeshiyaatka Soomaalida ee deegaanka Goof-Gaduud ee duleedka magaalada Beydhabo, halkaas oo ay dagan yihiin boqolaal kamid ah maleeshiyaatka Soomaalida.


Weerarka ayaa ku bilowday qarax lagu dhuftay albaabka hore ee xerada, kadibna dagaalyahano aad u hubeysan ayaa u daatay saldhiga, islamarkaana jiiray difaacyadii xerada.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaa idaacadda Andalus u sheegay in dagaal xoogan kadib ay dagaalyahanadooda si buuxda ula wareegeen xerada, islamarkaana xerada lagu xasuuqay maleeshiyaat fara badan.

Maleeshiyaat badan oo ka ka firxaday xerada ayaa ku yaacay dhowlka howdka ah, kuwaas oo la sheegay in la sii baacsanayo sida ay noo sheegeen saraakiisha Al-Shabaab.


ilaa hadda lama hayo tirada rasmiga ah ee askarta lagu dilay weerarkan, mana jiro sidoo kale wax war ah oo kasoo baxay waxa loogu yeero maamulka koonfur-galbeed oo ku aadan weerarka.

Saldhiga la weeraray ayaa ku yaalla deegaanka lagu magacaabo Goof-Gaduud Buureey oo qiyaastii 30km u jira magaalada Beydhabo, islamarkaana saaran wadada aadda dhanka degmada Waajid ee gobolka Bakool. saldhigan ayaa ka mid ah difaacyada 1aad ee laga waardiyeeyo magaalada Beydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee uu ku shaqeeyo maamulka koonfur-galbeed.

Related Items