Sawirro: Xildhibaanno ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Gedo.

Monday August 17, 2020 - 06:22:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xildhibaanno ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Gedo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qarax miino ayaa shalay gelinkii dambe lala helay kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Dooloow iyo Beled Xaawo.

Qaraxa waxaa si dirqi ah uga badbaaday Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka balse waxay dhaawacyo kasoo gaareen illaa sedax xildhibaan iyo taliyihii Nabad sugidda degmada Luuq.

Xildhibaannadii shalay dhaawacmay ayaa kala ahaa Max'med Cali Magan, Cabdi Casiis dhegaqool iyo

Xildhibaan C/qaadir Siisii sidoo kale waxaa qaraxii shalay ku dhaawacmay Cali Kediye oo ah taliyaha Nabad sugidda ee degmada Luuq.




Related Items