9 katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Sh/hoose.

Monday August 17, 2020 - 11:53:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    9 katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Sh/hoose.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray weeraro is xigxigay oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan Uganda oo Somalia lagu dilay
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray weeraro is xigxigay oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.


Silsilado qaraxyo ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Janaale iyo Buufoow ayaa sababay dhimashada 9 askari oo katirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dhowr qarax ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada la beegsaday, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan lagu dilay ciidamada AMISOM.

Gobolka Sh/hoose wuxuu kamid yahay meelaha ay ka dhacaan weerarada ugu badan ee lagu qaado ciidamo shisheeye ee dalka kusoo duulay yo maleeshiyaadka dowladda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items