Cudurka Carona oo 50,000 oo qof ku dilay wadanka Hindiya.

Monday August 17, 2020 - 12:13:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona oo 50,000 oo qof ku dilay wadanka Hindiya.

    Cudurka Carona Virus ayaa dhimashadii ugu badneed abid ka geystay wadanka Hindiya ee dhaca bartamaha qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Carona Virus ayaa dhimashadii ugu badneed abid ka geystay wadanka Hindiya ee dhaca bartamaha qaaradda Asia.

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Hindiya ayaa sheegtay in dadka Carona ugu dhintay wadankaas ay ka badanyihiin 50,000 oo ruux islamarkaana ay boqolaal kun oo kale la dhibanyihiin.

Warbixinnada rasmiga ah ee soo baxay waxay xaqiijinayaan in shalay oo kaliya ay Carona udhinteen dad gaaraya 900 oo ruux walina uu cudurku si xowlli ah ugusii dhax faafayo bulshada.

Dadka Carona ugu dhintay hindiya tiradoodu waa 50,921 ruux sida ku cad warsaxaafadeedkii shalay kasoo baxay wasaaradda caafimaadka, Hindiya waa dalka Afaraad ee ugu dhimashada badan Carona waxaana ka horreeya dalalka kala ah Mareykanka,Baraaziil iyo Meksiko.


Dhaqaatiirta Hindiyaanka ah waxay sheegeen in labakaclaynta Carona uu musiibo ku noqday dadka Hindida ah oo bilaawgii safmareenka si wanaagsan uga gaashaantay balse markii ay u hoggaansami waayeen awaamirta waaxaha caafimaadka uu xaalku xumaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items