Wax u eg inqilaab Melleteri oo ka jira wadanka Maali.

Tuesday August 18, 2020 - 19:02:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax u eg inqilaab Melleteri oo ka jira wadanka Maali.

    Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in wax u eg inqilaab melleteri uu ka jiro magaalada caasimadda ah ee Bomako.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in wax u eg inqilaab melleteri uu ka jiro magaalada caasimadda ah ee Bomako.


Kumanaan katirsan ciidamada Melleteriga Maali ayaa gadood ka sameeyay saldhig melleteri oo ku dhow caasimadda waxayna xirxireen wasiirradii ugu muhiimsanaa xukuumadda iyo guddoomiyihii baarlamaanka.

Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamo farabadan ay rasaas hawada uridayaan waxayna ku qeylinayeen erayo ka dhan ah mas'uuliyiinta xilka haya.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ciidanka Melleterig ay xireen wasiirrada arrimaha maaliyadda, dibadda iyo guddooniyaha baarlamaanka.


Dhaqtar ka shaqeeya Isbitaalka magaalada Bomako ayaa sheegay in xaalad kacsanaan iyo qulqulato ah ay ka jirto wadanka Maali waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamadu ay wadaan inqilaab meleteri.

Sanaddii 2012 ayay aheyd markii uu inqilaab melleleteri ka dhacay wadanka Maali wixii xilligaas ka dambeeyay ayay jamaacaadka jihaadiga wadankaas kusii xididaysanayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items