Hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka oo la sumeeyay.

Thursday August 20, 2020 - 18:11:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka oo la sumeeyay.

    Sirdoonka Ruushka ayaa sumeeyay hoggaamiyihii ugu sarreeyay kooxaha mucaaradka ah ee siyaasad ahaan ku kacsan madaxweynaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirdoonka Ruushka ayaa sumeeyay hoggaamiyihii ugu sarreeyay kooxaha mucaaradka ah ee siyaasad ahaan ku kacsan madaxweynaha wadankaasi.


Alexei Navalny oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa la dhigay Isbitaal wuxuuna kujiraa xaalad kooma ah kadib markii la sumeeyay.

Afhayeenad u hadashay hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka ayaa warbaahinta u sheegtay in Alexei Navalny isagoo sakaraat ah uu jiifo isbitaal kuyaal magaalada Omsk ee gobolka Saybeeriya.

Hoggaamiyaha mucaaradka ruushka ayaa lagu arkay calaamado muujinaya in la sugmeeyay "waxaan hubaa in Alexei Navalny si ulakac ah loo sumeeyay" sidaas waxaa tiri Afhayeenad u hadashay mucaaradka Ruushka.


Waxay intaas ku dartay in maaddo sun halis ah loogu qariyay Shaah uu cabayay iyadoona walaac ka muujisay xaaladiisa caafimaad, madaxa dhaqaatiirta isbitaalka Alexander Murakovsky ayaa usheegay wakaaladda Inter TASS in xaaladda hoggaamiya Navalny ay aad u xuntahay.

Sanadihii 2017 iyo 2018 ayuu Alexei sidaan oo kale ula kulmay weeraro waxyeello ugeystay jirkiisa balse waa ka badbaaday, dowladda Ruushka ayaa ninkaan ku eedaynaysa abaabulidda dibad baxyo lagu kicinayo shacabka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items