Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo qaadacay Heshiiskii Dhuusamareeb.

Saturday August 22, 2020 - 08:07:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo qaadacay Heshiiskii Dhuusamareeb.

    Maamullada 'Puntland' iyo ' Jubbaland' ayaa qaadacay natiijadii kasoo baxday shirkii maalin ka hor lagusoo gabagabeey magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamullada 'Puntland' iyo ' Jubbaland' ayaa qaadacay natiijadii kasoo baxday shirkii maalin ka hor lagusoo gabagabeey magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.



Warmurtiyeed wadajir ah oo kasoo baxay Saciid Deni iyo Axmed Madooba ayay ku sheegeen in heshiiskii Dhuusamareeb uusan iyaga khuseyn iyagoo eedayn kulul ujeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka.

"Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashda dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay labadan maamul.



Balse jawaab cleinta ka timid Deni iyo Axmed Madoobe ee ku aaddan mowqifkooda shirkii Dhuusmaareeb ayaa ah mid dabacsan marka loo eego qaabka ay uhadleen waxayna caddeeyeen in ay diyaar uyihiin wax walba oo tabashadooda lagu xallin karo.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa labadan maamul goboleed ku sheegay qaswadayaal haddii ay aqbali waayaan doorashooyinka Dhuusamareeb lagu iclaamiyay.

Related Items