Diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalad Jubba.

Saturday August 22, 2020 - 13:09:23 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalad Jubba.

    Wararka ka imaanaya wadanka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo dad ku dhinteen uu ka dhacay magaalada Jubba ee caasimadda u ah wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo dad ku dhinteen uu ka dhacay magaalada Jubba ee caasimadda u ah wadankaasi.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in diyaarad nuuca rakaabka ah ay ku burburtay garoonka jubbada daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka.

Ugu yaraan 4 qof oo kamid ah rakaabka diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilka halka tobanaan kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Diyaaradda burburtay ayaa udiiwaan gashaneed shirkadda duulimaayada koonfurta suudaan balse illaa iyo hadda lama sheegin sababta shilka dhalisay, sawirro lagu baahiyay baraha bulsahada ayaa muujinayay in diyaaradda oo ku gubanaysa meel waxyar ka baxsan garoonka magaalada Jubba.





Related Items