Wararkii Ugu dambeeyay: Carona Virus oo kumanaan kun ku dilay dalka Koonfur Afrika.

Saturday August 22, 2020 - 18:00:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu dambeeyay: Carona Virus oo kumanaan kun ku dilay dalka Koonfur Afrika.

    Caabuqa Covid19 ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhimasho xad dhaaf ah ka geystay daafaha caalamka haba ugu badnaadaanee wadamada Baraaziil iyo mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhimasho xad dhaaf ah ka geystay daafaha caalamka haba ugu badnaadaanee wadamada Baraaziil iyo mareykanka.



Wararka ka imaanaya dalka Meksiko ayaa sheegaya in shalay ay cudurka Carona ugu dhinteen illaa 504 qof halka uu soo ritay dad gaaraya 5928 ruux sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka wadankaasi, dadka Carona ugu dhintay maksiko ayaa ka badan 59,610 ruux.

dhanka wadanka jarmalka oo kamid ah dalalka qaaradda Yurub ee Carona ladhibaataysan xukuumadda ayaa soo rogtay awaamir hor leh oo ay ku xadididayso faafintaanka cudurka.

Wasaaradda arrimaha dibadda jarmalka waxay sheegtay in dadka usoo safraya wadankeeda ay muddo 14 maalmood ah ku jirayaan karaantiil illaa laga hubiyo in ay ka caafimaad qabaan caabuqa Covid19.



Wararka ayaa intaas ku daraya in 100kii kun ee ruux reer Jarmalka ah 16 kamid ah laga helayo Karoonka Fayrus.

dhanka wadanka koonfur afrika caabuqa Covid19 ayaa si xowlli ah ugu fidaya magaalooyinka waaweyn,guddiga dowladda uqaabilsan ka horta caabuqa ayaa sheegay in dadka uu soo ritay ay ka badanyihiin 600 oo kun oo ruux waana tiro ka badan nus milyuun.

maamulayaasha Koonfur afrika waxay sheegeen in shalay oo kaliya uu cudurku soo ritay dad gaaraya 3,398 ruux, tirada guud ee dalka Koonfur afrika Carona ugu dhintay waa 12,843 ruux, dalkan dhanc koonfurta qaaradda Afrika ayaa ah dalka ugu dhimashada iyo bukaanada badan qaaradda.

dowladda baraaziil ayaa iyana xalay fiidkii ku dhawaaqday in 24 saac gudahood ay Carona udhinteen 1054 ruux, dadka Carona uu Baraaziil kusoo ritay ayaa ka badan sedax malyan oo ruux halka dhimashada guud ay kor udhaaftay 113 kun oo ruux.

dalalka ugu dhimashada badan carona caalami ahaan ayaa kala ah mareykanka,baraaziil,meksiko iyo hindiya

Related Items