Sarkaal PS-ta Katirsan Oo Wadajir Lagu Dilay iyo Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Duleedka Muqdisho Ka Dhacay.

Wednesday June 18, 2014 - 14:56:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal PS-ta Katirsan Oo Wadajir Lagu Dilay iyo Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Duleedka Muqdisho Ka Dhacay.

    Xoogag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Jawaasiista dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Jawaasiista dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Caseyr oo katirsanaa PS-ta dowladda Xasan Sheekh wuxuuna ka howlgeli jiray degmooyinka Dharkeynleey iyo Wadajir.

Dhinaca kale hal qof ayaa ku dhintay qof kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax lala helay gaari marayay duleedka degmada Kaaraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaqtar ka shaqeynayay isbitaalka Keysanayeen uu ka bad-badaabay qaraxa halka uu dhintay mid kamida kal kaaliyaasha isbitaalka.


Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ayaa wali kasii socda magaalada Muqdisho waxaana meesha ka baxay ballanqaadyadii Muungaab ee ahaa in uu ammaanka caasimadda sugayo.


Liibaan Jeexoow

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items