Baare American ah oo ku baaqay in lasoo gaba gabeeyo dagaalka Mareykanka ee Soomaaliya [Dhageyso].

Sunday August 23, 2020 - 09:27:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Baare American ah oo ku baaqay in lasoo gaba gabeeyo dagaalka Mareykanka ee Soomaaliya [Dhageyso].

    Baarayaal Mareykan ah ayaa dowladooda ku boorriyay in ayjoojiso hawlgallada militari ee ay ka waddo Soomaaliya taas bedelkeedna ay ku dadaasho hanaanka wadahadallada oo lagu bedelo dagaalka!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarayaal Mareykan ah ayaa dowladooda ku boorriyay in ayjoojiso hawlgallada militari ee ay ka waddo Soomaaliya taas bedelkeedna ay ku dadaasho hanaanka wadahadallada oo lagu bedelo dagaalka!


Website-ka 'War on Rocks' ayaa daabacay warbixin cinwaan looga dhigay "Dhammaadka Howlgalada Militariga Mareykanka ee Soomaaliya" kaas oo iftiiminaya natiijada ka dhalatay ku lug lahaashiyaha dagaalkii Mareykanka ee ka socda dalkan Soomaaliya ee dhaca geeska Afrik, warbixinta ayaa talooyin siinaysa maamulka Washington.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu xaalad dagaal oo dhab ah la galay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin muddo ka badan 10 sano, laakiin kharashaaraha ka dhashay dagaallada ayaa wax walba ka dhigay kuwa aan dhammaad lahayn.


Cilmi baare Paul Williams oo ah qoraa warbixinta ayaa soo jeediyay in Mareykanku uu joojiyo dagaalka tooska ah ee uu kula jiro Al Shabaab taas bedelkeedna uu uweecdo wadahadalsiinta dhinacyada isku hayo Soomaaliya.

sida uu ku taliyay Williams, Mareykanku waa inuu taageeraa wadahadal lagu dhammeeyo dagaalka , wuxuu soo jeediyay caawinta ciidamada amniga DF-ka iyo in nidaamkan taakta daran lagala shaqeeyo cafinta deynmaha lagu leeyahay.

Nuxurka talooyinkan ayaa ah in Mareykanku uu ku jabay dagaalka ka socda dalka Soomaaliya sida uu sheegayo DR Max'med Suldaa Garyare oo aad ula socdo siyaasadaha reergalbeedka.

Related Items