Khaliifa Xaftar oo diiday in uu u hoggaansamo Heshiiskii Xabad Joojinta dalka Liibiya.

Monday August 24, 2020 - 06:52:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaliifa Xaftar oo diiday in uu u hoggaansamo Heshiiskii Xabad Joojinta dalka Liibiya.

    Maleeshiyaadka Fallaagada ah ee ka dagaallama wadanka Liibiya ayaa ganafka ku dhuftay heshiiskii xabad joojinta ahaa dhowaan kala saxiixdeen madaxda labada dhinac ee isku haya dalka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Fallaagada ah ee ka dagaallama wadanka Liibiya ayaa ganafka ku dhuftay heshiiskii xabad joojinta ahaa dhowaan kala saxiixdeen madaxda labada dhinac ee isku haya dalka Liibiya.


Axmed Almismaari oo ah Afhayeenka melleteri ee dagaal ooge Khaliifa Xaftar ayaa ku dhawaaqay in ay iska diideen u hoggaansamidda heshiiskii xabad joojinta ahaa wuxuuna ku goodiyay in ay dib ubilaabayaan howlgallada Melleteri.

Afhayeenka Xaftar wuxuu sheegay in ciidamadoodu udiyaar garoobeen sidii ay udifaacan lahaayeen magaalooyinka Sirta iyo Aljufrah oo ay weerar ku yihiin ciidamada xukuumadda Xaftar.


Dhinaca kale xukuumadda Alwifaaq ayaa sheegtay in ay filaysay in garabka Xaftar uusan u hoggaansami doonin xabad joojinta islamarkaana ay doonayaan in afar geeseedka dagaalka dib loogu laabto.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay mas'uuliyiin ka socday garabyada ku loollamaya Liibiya waxay saxiixeen heshiis xabad joojin ah arrinkaas oo soo dhoweyn caalami ah lakulmay balse waxaa muuqata in dhinacyadu markale ku kala boodeen wixi ay saxiixeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items