Saldhigga ciidanka AMISOM ee deegaanka Lambar60 oo weerar lakulmay.

Monday August 24, 2020 - 08:34:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidanka AMISOM ee deegaanka Lambar60 oo weerar lakulmay.

    Dagaalyahnada Al Shabaab ayaa markale weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka ee gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahnada Al Shabaab ayaa markale weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka ee gobolka Sh/hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in weerar xooggan uu lakulmay saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Lambar60.

Xalay saqdii dhexe ayay dagaalyahanada Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Uganda ee Lambar60, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo daryanka rasaastii ay labada dhinac iswaydaarsanayeen.

Dhinaca kale weerar xooggan ayaa lagu qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka  ka sameysteen deegaanka Bariire ee isla gobolka Sh/hoose.


illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay duleedyada degmooyinka Marka iyo Afgooye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items