Weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Burundi.

Tuesday August 25, 2020 - 11:05:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Burundi.

    Ugu yaraan 16 qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib iska hor'imaadyo hubaysan oo ka dhacay gobollada Koonfureed ee wadanka Burundi ee qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 16 qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib iska hor'imaadyo hubaysan oo ka dhacay gobollada Koonfureed ee wadanka Burundi ee qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya dalka Burundi ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Rugarama ee ku dhow xuduudda Koongada Dimuquraadiga ah.

Saraakiisha booliska Burundi ayaa sheegaya in kooxo katirsan Mucaaradsan hubaysan ay weerareen maleeshiyo beeleed ku sugnaa gobolka Rumonga waxaana halkaas ka dhacay dagaal halaag badan dhaliyay.


Kooxaha mucaaradka ah ayaa gubay guryo iyo gooba ganacsi oo ay deganaayeen dad kasoo jeeda mid kamida qaba'illada dega wadanka Burundi .

"Dadka dhintay waxaa ku jira 10 qof oo deegaanka ah oo ay afduubeen kooxihii hubeysnaa ka hor inta aysan dilin ayaa dadka lalaayay laxiray" sidaas waxaa yiri sarkaal uhadlay booliska Burundi.

Kooxda Fallaaga ah ee lagu magacaabo Tabara ayaa dagaal hubaysan kula jirta dowladda Burundi, kooxdan waxay saldhig melleteri ku leedahay gobolka Kiva ee Koongada dimuquraadiga ah halkaas oo ay weeraradeda kasoo abaabusho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items