Dagaallo Ka Dhacay Galguduud iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Buula Mareer.

Saturday November 01, 2014 - 10:13:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay Galguduud iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Buula Mareer.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo amba-baxay degmada Dhuusamareeb lagu weeraray duleedka degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo amba-baxay degmada Dhuusamareeb lagu weeraray duleedka degmadaasi.

Wariyaal ku sugan Galguduud ayaa soo sheegay in ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid Itoobiyaan ah oo isku dayay in ay saad ciidan gaarsiiyaan ciidanka kale ee Ceelgaras ku sugan.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay deegaanka Bulacle oo 30 KM ujira degmada Dhuusamareeb,khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa larumeysanyahay in ciidanka Itoobiya uu dagaalka kasoo gaaray balse illaa iyo hadda lama oga tirada laga dilay askarta Itoobiya.


Dhinaca kale ciidamada shisheeyaha AMISOM ee xoogga ku jooga degmada Buula Mareer ayaa xalay saqdii dhexe weerar kala kulmay ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Related Items