Imaaraatka oo sheegay in uu arrimaha ammaanka kala shaqeyn doono Yahuuda.

Wednesday August 26, 2020 - 18:52:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraatka oo sheegay in uu arrimaha ammaanka kala shaqeyn doono Yahuuda.

    Xukuumadda dabadhilifka imaaraatka carabta ayaa sare uqaadday u adeegidda maamulka yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku haysa dhulalka muslimiinta falasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda dabadhilifka imaaraatka carabta ayaa sare uqaadday u adeegidda maamulka yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku haysa dhulalka muslimiinta falasdiin.


Kaaliyaha Wasaaradda arrimaha dibada imaaraatka ninka lagu magacaabo Cumar Gayaash ayaa sheegay in dowladdiisu ay dhanka isku xirka ammaanka ka gacansiin doonto waxa loogu yeero israa'iil wuxuuna caddeeyay in tallaabadan ay qeyb ka tahay caadiyaynta cilaaqaadka labada dhinac.

"waxaa jiri doono iskaashi dhanka amniga ah oo qeyb ka ahaa heshiiskii weynaa ee nadhaxmaray iyadoo ay jirto xiisadaha ay iiraan ka abuurayso mandiqadda" waxaa sidaas yiri kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda imaaraatka oo wareysi siinayay shabakada Fox News.



Xukuumadda Abu Dubai waxay ku faanaysaa in xiriirka ay layeelatay  Yahuudda uu waacusub oo dhanka nabadda ah unoqon doono mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe iyadoona durbadiiba bilaawday in ay dhaliisho dowladda shiicada iiraan oo uu xiriir qota dheer kala dhaxeeyay sanadadii lasoo dhaafay.

Laamaha sirdoonka iyo ammaanka Imaaraatka ayaa durbadiiba bilaabay in ay yahuudda kala shaqeeyaan baacsiga xoogaga muqaawamada filasdiin ee dibad joogga ah.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socda sirdoonka xukuumadda Abu Dubai ay booqdeen magaalada talaabiin ayna heshiiskii dhanka jaajuusnimada ah lasoo galeen  Yahuudda.

13-kii bishaan agoosto ayay aheyd markii madaxweynaha Mareykanka uu iclaamiyay in yahuudda iyo imaaraadta carabta ay yeesheen xiriir dhan walba ah kadibna dhaxal sugaha imaaraatka ayaa xaqiijiyay in ay saaxiibo noqdeen waxa loogu yeero israa'iil oo ah cadawga ugu daran ee muslimiintu leeyihiin

Related Items