Dibad baxyada Rabshadaha watay ee ka socda gobolka Wisconsin oo sii xoogeystay.

Thursday August 27, 2020 - 10:58:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyada Rabshadaha watay ee ka socda gobolka Wisconsin oo sii xoogeystay.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa wali ka taagan mid kamida gobollada dalka Mareykanka oo ciidamada booliska ay ku dileen laba qof oo kasoo jeedo dadka madoowga ah ee laga tirada badanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa wali ka taagan mid kamida gobollada dalka Mareykanka oo ciidamada booliska ay ku dileen laba qof oo kasoo jeedo dadka madoowga ah ee laga tirada badanyahay.

Wararka ka imaanaya gobolka Wisconsin ayaa sheegaya in halkaas ay ka bilaawdeen falal boob iyo bililiqo ah kadib markii ay dadka madoowga ah ku xoomeen goobo ganacsi iyo suuqyo ay leeyihiin dadka caddaanka ah.

Iska hor'imaadyo gacmaha layskula tagay ayaa gobolkaas ku dhaxmaraya ciidamada booliska iyo dadka madoowga ah ee ka carooday dilka loo geystay laba qof oo kamid ah ehelkooda.

Donald Trump ayaa iclaamiyay in uu gacan bir ah kula tacaamuli doono xaaladda ka aloosan gobolka Wisconsin, wuxuu sheegay in boqolaal askari dheeraad ah uu udirayo magaalada Kiinoosha oo caasimad u ah gobolka Wisconsin ee ay rabshaduhu ka jiraan.


Ciidamada booliska ayaa la sheegay in ay si xun utoogteen nin madoow ah oo lagu magacaabo Jaaykob Balaay xilli uu doonayay in uu gaarigiisa koro waxaa xigay qof kale oo isna rabshadaha ku dhintay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qof kale oo madoow ah uu xaalad halis ah ku suganyahay kadib markii uu gaaray dhaawac aad uculus sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka ee dalka Mareykanka.

Arrintan fatqaladaha ah ayaa dhulka sii gelinaysa rajadii uu xisbiga Trump ka lahaa doorashooyinka madaxtinimada ee dhowaan dhici doona.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items