Weeraro lagu miray saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Thursday August 27, 2020 - 11:21:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu miray saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

    Habeenkii xalay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab waxay weeraro kala duwan ku qaadeen fariisimiyaal ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan degmooyin katirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenkii xalay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab waxay weeraro kala duwan ku qaadeen fariisimiyaal ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan degmooyin katirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.


Ciidamada Mujaahidiinta ayaa laba goor waxay weerareen isbaarada Mukeyga degmada Afgooye oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo halkaas ku baarta gaadiidka dadweynaha.

Waxay sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ee degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley, halkaas oo ay ka dheceen dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weeraradan ka dhacay Shabeellaha Hoose ee lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha waxaa la aaminsanyahay inuu jiro waxyeello kala duwan oo lagu gaarsiiyay Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadankeena.



Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerar ku qaadeen ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan deegaanka Qooqaani, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items