Warar sheegaya in Xasan Cali Kheyre laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Thursday August 27, 2020 - 13:42:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar sheegaya in Xasan Cali Kheyre laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah Max'med Cabdullaahi Farmaajo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka celiyeen Xasan Cali Kheyre xilli uu doonayay in uu dibadda udhoofo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah Max'med Cabdullaahi Farmaajo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka celiyeen Xasan Cali Kheyre xilli uu doonayay in uu dibadda udhoofo.


Ciidamada ammaanka DF-ka ayaa amar kusiiyay Kheyre iyo shakhsiyaad la socday in ay dib ugu laabtaan Hotel ku dhow garoonka diyaaradaha oo ay deganaayeen.

Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa arrintan xaqiijiyay, isagoo hadlayay ayuu sheegay in ciidamada dowladda Farmaajo ay isbaaro udhigteen Xasan Cali Khetre sida uu hadalka udhigay.

Tan iyo markii Kheyre shaqada laga eryay sodon maalin kadib ayuu wajahayaa cadaadis uga imaanaya saaxiibadiisi shalay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, tallaabadan ayaa imaanaysa xilli aan wali lasoo magacaabin R/wasaaraha cusudub ee DF-ka.


Siyaasiyiinta mucaaradsan nidaamka Villa Somalia ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre lagu shaqeystay kadibna meel cidla ah uu ku tuuray Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items