Sawirro: 100 qof Shacab ah oo ku dhintay daadad ku dhuftay wadanka Afghanistan.

Thursday August 27, 2020 - 13:53:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 100 qof Shacab ah oo ku dhintay daadad ku dhuftay wadanka Afghanistan.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay fatahaado ku dhuftay qaar kamid ah gobollada uu ka koobanyahay wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay fatahaado ku dhuftay qaar kamid ah gobollada uu ka koobanyahay wadanka Afghanistan.


Warbixinno rasmi ah oo soo baxay ayaa sheegaya in ugu yaraan 100 ruux ay dhinteen tobanaan kalane lala'yahay kadib markii ay fatahaado sameeyeen wabiyada wadankaasi.

Goobaha dhimashada ugu daran ay ka dhacday waa waqooyi bari wadanka Afghanstan, Afhayeenad u hadashay maamulka gobolka Barwaan ayaa sheegtay in dadka ku dhintay gobolka ay sare ukaceen maalintii Arbacada.

Gobolk Barwaan oo kaliya dadka ku dhintay waxay ka badanyihiin 70 ruux iyadoona tobanaan qof dhaawacyo ah ladhigay isbitaallada waaweyn, roobab mahiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da'ayay Afghanistan ayaa sababay daadad iyo fatahaado musiibo daran geystay.


Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Afghanistan waxay sheegtay in isbitaalka guud ee gobolka Barwaan uu burburay islamarkaana dhaawacyada loo daad gureeyay dhanka magaalada caasimadda ah ee Kaabuul.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items