Video: Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay dilkii C/Qaadir Kumandoos, Farriin Adagna udiray Mareykanka.

Thursday August 27, 2020 - 14:00:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 2
  • Share via Social Media

    Video: Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay dilkii C/Qaadir Kumandoos, Farriin Adagna udiray Mareykanka.

    Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda isagoo xabsi guri ah u xiran DFS ayaa si kulul uga hadlay weerarkii axmaqnimo ee Mareykanku ku dilay Sheekh C/Qaadir Kumandoos oo kamid ahaa Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda isagoo xabsi guri ah u xiran DFS ayaa si kulul uga hadlay weerarkii axmaqnimo ee Mareykanku ku dilay Sheekh C/Qaadir Kumandoos oo kamid ahaa Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya.


Diyaaradaha duuliye la’aanta ee Mareykanka ayaa Sheekh C/Qaadir Kumaandoos ku beegsaday gurigiisa oo ku yaalla degmada Saakoow, halkaas oo uu ku xanuunsanaa mudooyinkii lasoo dhaafay,taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkiisa.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Kumandoos ayaa si kulul uga hadlay dilka Kumandoos isagoo Sheegay inuu Mareykanku beegsaday Sheekh xanuunsan oo aanan joogin goob dagaal, isagoo tilmaamay in ay dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah Mareykanka uga hari doonin gardaradaas aan geedna loogu soo gaban.


"Rag badan waad naga disheen waa sax balse dilka Kumandoos wuu ka duwanyahay kuwii hore, wuxuu ahaa qof xanuunsan oo aanan joogin goob dagaal. Haddii aadan kasoo garbixin godobtaas waxaan bixin doonaa jawaab adag, waxaana reebi doonaa raad qarniyo badan aad xusuusataan. Anigoo idiin xiran oo xabsi kujira ayaa tahdiidkaas bixinaya” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aad u careysnaa.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Xasan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkan gudahiis uu Mareykanku duqeyn axmaqnimo ah ku dilay Sheekh C/Qaadir Kumaandoos oo kamid ahaa hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya ee sida weyn loo yaqaano.

"Kumandoos wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed. Soomaali ayuu ka dhashay, Soomaali ayaa soo korsatay, Soomaali ayaa soo waxbartay, Soomaali ayuuna wax u taray, sidaas dartiis dilkiisa waa godob Soomaali oo idil laga galay” ayuu yiri Sheekh Xasan.

Sheekh C/Qaadir Kumandoos ayaa ah hogaamiye leh taariikh ballaaran oo ay hareysay gobanimo, sharaf iyo gumeysi diidnimo. Wuxuu kamid ahaa ciidamada gaarka ah ee dowladii military-ga, wuxuuna kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo lala galay cadowga jaarka nala ah. Markii ay burburtay dowladii Siyaad Barre wuxuu dhexda u xirtay sidii Soomaalidu isugu filnaan lahayd, diintooda ugu dhaqmi lahaayeen, xuduudaha dalkana loo difaaci lahaa, isagoo ka mid ahaa dadkii aas-aasay ururkii Al-itixaad.

Sheekh C/Qaadir Kumandoos wuxuu kamid ahaa saraakiishii hogaaminayey dagaalkii Itoobiya looga saaray Muqdisho intii udhaxaysay sanadihii 2007illaa 2009, iyadoo la xusuusto kaalintii ay dagaalkaas ku lahayd jabhadii uu hogaaminayey ee loo yaqaanay "Al-Jabhal Islaamiyah”

Wuxuu sidoo kale soo noqday Wasiirkii difaaca ee ururkii Xizbul Islaam ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaas oo markii dambe la midoobay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Hoos ka daawo Muuqaalka Sheekh Xasan Daahir Aweys


Related Items