Faah Faahin:Mas'uul Katirsanaa DF-ka oo Muqdisho Lagu Khaarijiyay iyo Askar Lagu Toogtay Suuqa Bakaaraha.

Saturday November 01, 2014 - 13:10:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Mas'uul Katirsanaa DF-ka oo Muqdisho Lagu Khaarijiyay iyo Askar Lagu Toogtay Suuqa Bakaaraha.

    Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay uu ka dhacay wadada Wadnaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay uu ka dhacay wadada Wadnaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari marayay wadada Tarabuun uu qarxay waxaana ku dhintay laba qof oo mid kamida uu ahaa sarkaal katirsan waaxda socdaalka Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta weerarku ka dhacay ay soo gaareen ciidamo katirsan DF-ka sarkaalka labeegsaday ayaa la sheegay in uu katirsanaa qeybta sirdoonka garoonka diyaaradaha Muqdisho,lama oga in qaraxu uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay iyo walxaha qarxa ay gaariga saarnaayeen.


Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa bartamaha Suuqa Bakaaraha ku dilay laba askari oo katirsanaa DF-ka,dad gudaha Suuqa ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in askarta ladilay ay kala ahaayeen boolis iyo Canshuur aruurin wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagii Weerarka geystay ay si nabad gelyo ah goobta uga dhaqaaqeen.

Qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha maamulka Xasan Sheekh ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items