Weerar culus oo markale lagu qaaday saldhigga Baar Sanguuni.

Saturday August 29, 2020 - 10:32:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar culus oo markale lagu qaaday saldhigga Baar Sanguuni.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar xooggan uu lakulmay saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ay tababartay dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar xooggan uu lakulmay saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ay tababartay dowladda Mareykanka.


Dagaal xooggan ayaa saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni halkaas oo ay saldhig weyn ku leeyihiin maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al Shabaab ay gudaha ugaleen saldhigga Baar Sanguuni waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkii saaka.


Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar xooggan uu lakulmo saldhigga Baarka oo ciidamada Mareykanka ay dajiyeen boqolaal maleeshiyaad oo lagu tababaray garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items