Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihii uu dowladda Itoobiya kusiin jiray ladagaallanka 'Argagaxisada'.

Saturday August 29, 2020 - 12:35:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihii uu dowladda Itoobiya kusiin jiray ladagaallanka 'Argagaxisada'.

    Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojisay dhammaan kaalmooyinkii ay siin jirtay dowladda Itoobiya sababa laxiriira khilaafka ka dhashay biya xireenka Al Nahda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

biya xireenka Al Nahda ee dalka Itoobiya
Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojisay dhammaan kaalmooyinkii ay siin jirtay dowladda Itoobiya sababa laxiriira khilaafka ka dhashay biya xireenka Al Nahda.


Majaladda Foreign policy oo soo xiganaysa mas'uuliyiin American ah ayaa sheegtay in Mareykanku uu hakiyay dhaqaalihii uu bil walba dowladda Itoobiya kusiin jiray arrimaha ladagaallanka 'Argagaxisada' tababarka ciidamada iyo ladagaallanka ka ganacsiga dadweynaha.

Mike Pompeo oo ah wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ogolaaday in lajoojiyay lacag gaaraysay 130 malyan oo dollar oo Itoobiya bil walba lagusiin jiray arrimaha ladagaallanka waxa Argagaxisada loogu yeero iyo tababarka ciidamada.


Tani kama dhignay in Itoobiya ay wayn doonto dhammaan dhaqaalihii ugu imaan jiray Mareykanka balse waxaa la sheegayaa in hoos loo dhigay sababa laxariiro madax adeyga ay ka muujinayso wadahadallada la xiriira biya xireenka ay ka dhisayso wabiga Niil.

Itoobiya ayaa 18-kii sanadood ee lasoo dhaafay reergalbeedka gaar ahaan Mareykanka uqaabilsaneed ladagaallanka muslimiinta geeska qaaradda Afrika.
Tallaabadan dhaqaalaha looga joojiyay xukuumadda Addis Ababa ayaa kusoo aadaysa xilli fatqalado siyaasadeed iyo kuwa amni uu wajahayo R/wasaare Abiy Axmed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items