Daawo Video: Muslimiinta Sweden oo ka dhiidhiyay Gubidda Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

Saturday August 29, 2020 - 21:01:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Muslimiinta Sweden oo ka dhiidhiyay Gubidda Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

    Kumanaan kun muslimiin ah ayaa dibad baxyo ballaaran ka dhigaya mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Sweden ee qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun muslimiin ah ayaa dibad baxyo ballaaran ka dhigaya mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Sweden ee qaaradda Yurub.


Muslimiin qiiraysan ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada Malmö ee dhacda Koonfurta dalka Sweden waxayna ka dhiidhinayaan fal axmaqnimo ah oo gaalo Xagjiriin ah ay ku gubeen Kitaanka Qur'aanka Kariimka ah.

Hoggaamiyaal katirsan Jaaliyadda Muslimiinta Sweden ayaa soo agaasimay dibad baxyo waaweyn oo ay ku difaacayaan Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah, Boqolaal qof Soomaali ah ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dibad baxyada Musxafka lagu difaacayo.


Ciidamada Booliska Sweden oo adeegsanayo diyaarado Drone ah ayaa isku dayaya in ay dibad baxyada joojiyaan, dadka muslimiinta ah ee iskusoo baxyada ka qeyb qaadanaya ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin "Kitaabka Alle nafteena ayaan uhuraynaa".

Wadamada Iskaandaneefiyaanka loo yaqaan ee qaaradda Yurub waxaa kajira dhaq dhaqaaqyo Xagjirayaal Nasaaro ah ay hoggaaminayaan oo ku caanbaxay Islaam naceybka kuwaas oo sanad walba gubaya Kitaabka qur'aanka Kariimka.

Hoos ka Daawo qaabka ay muslimiintu uga dhiidhiyeen falalkan oo kale

Related Items