Al Shabaab oo weeraray Saldhigyo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose.

Sunday August 30, 2020 - 09:08:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weeraray Saldhigyo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar hor lagu qaaday saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanno hoos yimaad Dhoobleey iyo Afmadoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar hor lagu qaaday saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanno hoos yimaad Dhoobleey iyo Afmadoow.

Xalay fiidkii ayay xoogaga Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya (KDF) ay ku leeyihiin deegaannada Taabto iyo Qooqaani oo dhammaatood Jubbada Hoose katirsan.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in weerar ku bilaawdo madaafiic ay xigeen iska hor'imaadyo fool ka fool ah balse lama oga khasaaraha gaaray ciidamada Melleteriga Kenya.

Sidoo kale ciidamada Al Shabaab ayaa weerar ku miray saldhigga maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Afmadoow.


 gobolka Jubbada Hoose wuxuu kamid yahay meelah ay ka socdaan dagaallada ugu culus ee lagula jiro shisheeyaha dalka kusoo duulay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items