Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo cillad ay ku qabsatay Hawada dalka Soomaaliya.

Monday August 31, 2020 - 11:08:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo cillad ay ku qabsatay Hawada dalka Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya cillad ku timid mid kamida diyaaradaha rakaabka ah ee ka shaqeysa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya cillad ku timid mid kamida diyaaradaha rakaabka ah ee ka shaqeysa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga oo sidday ku dhowaad 200 rakaab ah ayaa si lama filaan ah dib ugusoo laabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradda ayaa markii ay ku dhoweed hawada dalka Itoobiya waxaa lasoo gudboonaaday cillad dhanka farsamada ah taas oo keentay in ay dib ugu laabato halkii ay kasoo caga dhigatay.

Mas'uuliyiin katirsan waaxda duulista hawada dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda Turkish Airlines ay lakulantay cillad dhanka Okisijiinka ah.


"Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobia ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cade iyadoo nabad qabta haddana majiraan wax halis ah" sidaas waxaa yiri mid kamida saraakiisha hay'adda duulista hawada dowladda.

Sanaddii 2012-kii ayay aheyd markii ay shirkadda duulimaadyada hawada Turkiga ay ka shaqa bilaawday dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items