Saldhigyada ciidanka Kenya ee Jubbada Hoose oo Weeraro labaad lakulmay.

Monday August 31, 2020 - 12:16:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada ciidanka Kenya ee Jubbada Hoose oo Weeraro labaad lakulmay.

    Qaar kamid ah saldhigyada ciidamada shisheeyaha Kenya ee kuyaal gobolka Jubbada hoose ayaa markale weerar xooggan kala kulmay xoogag jihaadi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah saldhigyada ciidamada shisheeyaha Kenya ee kuyaal gobolka Jubbada hoose ayaa markale weerar xooggan kala kulmay xoogag jihaadi ah.


Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose waxay sheegayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen laba deegaan oo ay ku suganyihiin Melleteriga Kenya.

Saldhiga deegaanka Taabto ee ay ku suganyihiin ciidamada Kenya ayaa xalay la kulmay weerar culus ,dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerar kale uu lakulmay saldhigga ciidanka KDF ee deegaanka Qooqaani waana habeenkii labaad oo weeraro xiriir ah lakulmayaan labadan saldhig ee ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedyada Afmadoow iyo Dhoobleey.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items