Mareykanka oo sheegay in 5 Bilyan oo Dollar uu ku khasaariyay duullaanka Soomaaliya!

Monday August 31, 2020 - 17:36:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in 5 Bilyan oo Dollar uu ku khasaariyay duullaanka Soomaaliya!

    Xukuumadda Washington ayaa qoomamo ka muujisay faragelinta Melleteri iyo midda siyaasadeed ee ay ka waddo dalka Muslimka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Washington ayaa qoomamo ka muujisay faragelinta Melleteri iyo midda siyaasadeed ee ay ka waddo dalka Muslimka ah ee Soomaaliya.


Mareykanka ayaa soo bandhigay qarashka uga baxay dagaalka ka holcaya dalka tan muddo ku siman labaatan sanadood oo xiriir ah, dilumaasiyad katirsan Mareykanka ayaa hadal ay jeedisay ku muujisay khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaaray dagaalka Soomaaliya.

Cherith Chalet oo ah kusimaha safiirka USA ee xarunta Q.Midoobay ayaa hadal ay jeedisay ku sheegtay in Mareykanku uu lacag dhan $ 5.3 bilyan oo Dollar ku bixiyay dagaalka Soomaaliya 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay.


"Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Alshabab” sidaas waxaa tiri Cherith Chalet.

Mareykanka ayaa qarashkan siiya jawaasiistiisa maxalliga ah, ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo shabakado ashahaadda ladirir ah oo dalka Soomaaliya ku beegsaday culimaa'udiin iyo dad kale oo shacab ah.

Duqeymo ay diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay ka geysteen shantii sano ee ugu dambaysay ayaa sababay dhimashada boqolaal qof waxaana muuqata in uusan gaarin ujeedkiisi oo ahaa in uu wiiqo awoodda Al Shabaab oo kusii xoogaysanaysa geeska Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items