Weerar Gaari looga gubay ciidanka dowladda oo duleedka Awdheegle ka dhacay.

Tuesday September 01, 2020 - 07:19:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari looga gubay ciidanka dowladda oo duleedka Awdheegle ka dhacay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidamo katirsan shisheeyaha iyo maleeshiyaadka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari laga gubay AMISOM
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidamo katirsan shisheeyaha iyo maleeshiyaadka dowladda.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah oo shalay ka dhacay wadada xiriirisa degmada Awdheegle iyo deegaanka Lambar60 lagu gubay gaari xamuul ah oo saad usiday ciidamada ku sugan Awdheegle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen gaariga oo ku gubanaya wadada hareeraheeda, dhinaca kale xalay fiidkii weerar xooggan ayuu lakulmay saldhigga ciidanka Uganda ee degmada Janaale.


Weerar kale oo ka dhacay xaafadda Mukayga ee degmada Afgooye ayaa lagu beegsaday isku imaatin ay maleeshiyaadka dowladda ku lahaayeen bar koontarool oo gaadiidka looga qaado lacago baad ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items