Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray Deni iyo Axmed Madoobe.

Tuesday September 01, 2020 - 06:39:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray Deni iyo Axmed Madoobe.

    Kumanaan katirsan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa saaka lagusoo daadiyay qaar kamid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa saaka lagusoo daadiyay qaar kamid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Ciidamada ayaa xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka dadweynaha, kumanaan kun oo ubadan arday iyo shaqaale ayaa la arkayay iyagoo waddooyinka ku lugaynaya.

Sababta loo xiray waddooyinka ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo weeraro lagu beegsado hoggaamiyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo maanta kasoo degaya garoonka diyaaradaha Muqdisho.


Amniga degmooyinka gobolka Banaadir ayaa bilihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay waxaana ku badnaa weerarada isugu jira dilalka,qaraxyada iyo weerarada tooska ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items