Al Shabaab oo Weerar Jidgal ah udhigay ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay duleedka Afmadoow.

Tuesday September 01, 2020 - 18:05:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar Jidgal ah udhigay ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay duleedka Afmadoow.

    Dagaalyahannada Shabaabul Mujaajhidiin ayaa weerar dhabbagal ah udhigay ciidamo katirsan melleteriga Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland xilli ay ku socdaalayeen deegaan katirsan Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahannada Shabaabul Mujaajhidiin ayaa weerar dhabbagal ah udhigay ciidamo katirsan melleteriga Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland xilli ay ku socdaalayeen deegaan katirsan Jubbada Hoose.


Wararka laga helayo duleedka degmada Afmadoow ayaa sheegaya in maanta duhurkii uu dagaal culus ka bilaawday dhulka howdka ah ee Jubbada Hoose xilli ay dhaq dhaqaaq wadeen ciidamo Kenyaan ah iyo maleeshiyaad dabadhilifyo u ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar jidgal ah oo aad uxooggan uu haleelay ciidamada huwanta ah, dad xoola dhaqata ah ayaa lagasoo xigtay in ay maqlayeen hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaas culus oo lays dhaafsanayay.


Melleteriga Kenya ayaa la sheegay in ay soo kiciyeen diyaarado dagaal markii uu xaalku ku adkaaday, illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Afmadoow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items