Sidee CIA-da Mareykanka iyo MI6-ta Britain ugu lug leeyihiin dagaalka Islaam ladirirka ah ee dalka Kenya.

Wednesday September 02, 2020 - 10:53:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Sidee CIA-da Mareykanka iyo MI6-ta Britain ugu lug leeyihiin dagaalka Islaam ladirirka ah ee dalka Kenya.

    Warbixintan oo ahayd mid aad u dheer ayaan shaley kasoo qaaday kaalinta CIA-da Mareykanka iyo MI6-ka Ingiriiska ku leeyihiin weerarada ashahaada la dirirnimo ee lagu ugaarsado Muslimiinta kunool Kenya si gaar ah dadka ay ka muuqato shacaa'irta d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintan oo ahayd mid aad u dheer ayaan shaley kasoo qaaday kaalinta CIA-da Mareykanka iyo MI6-ka Ingiriiska ku leeyihiin weerarada ashahaada la dirirnimo ee lagu ugaarsado Muslimiinta kunool Kenya si gaar ah dadka ay ka muuqato shacaa'irta diinta Islaamka ama looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin Jihaadiyiinta.



Waxaan qeybaha hore ee warbixinta sidoo kale looga hadlay weeraro ay si wadajir ah u abaabuleen labada hay’adood oo ay fuliyeen ciidamo loo yaqaano RRT oo Kenyaati ah kuwaas oo tababarkooda iyo towjiihaadkooduba bixiso CIA-da si toos ahna awaamiirta uga qaata safaarada Mareykanka ee Nairobi.

Wargeyska Declasified ayaa halkii kasii ambaqaaday sheekada ku saabsan dagaalka daahsoon ee Mareykanka iyo ingiriisku ku hayaan Muslimiinta Kenya, waxaana uu soo gudbinayaa weerar kale oo lagu qaaday hooy uu deganaa nin lagu mgacaabo CumarFaraj, kaas oo dhacay 28kii October ee sanadkii 2012-kii.



Maalin maalmaha ka mid ah Faraj oo doonaya inuu ka baxo gurigiisa ayaa waxaa albaab u soo istaagay dad uusan garaneynin, kuwaas oo ka dalbaday inuu furo Albaabka. Wuu garan waayey codka wuxuuna u qaatay inay yihiin tuugo laakiin deriska ayaa soo wacay Faraj una sheegay in ragga albaabka taagan ay yihiin ciidamo aad u hubeysan oo aan xirneyn dares ciidan. Cumar Faraj wuxuu ahaa qasnaji ka shaqeynayey kawaan ku yaalla magaalada Mombassa, iyo daaci islaami ah oo ka muxaadareeya Masaajida.

Markii ay ciidamadu soo istaageen albaabka, wuxuu kusoo noqday xaaskiisa, taas oo kula talisay in uusan albaabka ka furin ciidanka. Raxma oo ahayd xaaskiisa ayuu la kulmay wargeyska, waxaana ay sheegtay in waxa loo dilay ay ahayd kaliya inuu ahaa qof Muslim ah. "wuxuu ahaa qof ahlu diin ah, dowladuna wey beegsaneysay dadka ahlu diinka ah. Dad badan baa hortiis la dilay, aniguna waan qiyaasayey in ay dili doonaan” ayey tiri mar la weydiiyey sababta loo dilay seygeeda.

Wargeysku wuxuu leeyahay magaalada Mombasa waxay martigelisay silsilado iqtiyaalaat iyo dilal qorsheysan ah oo aanan ilaa hadda la sharxin ama faah-faahin laga bixin waxa ay ahaayeen, cidda fulisay iyo sababta loo fuliyey, kuwaas oo lagu dilay culimo iyo shakhsiyaat caan ah oo ka mid ah muslimiinta. Laba bilood ka hor inta aysan dilin Cumar Faraj, waxay horay u soo dileen Sheekh Cabuud Rogo oo ahaa daaci Islaami ah oo si weyn looga yaqaanay wadanka.

Howlgalka lagu dilay Cumar Faraj waxay warbaahintu soo tabisay inay fulisay kooxda loo yaqaano ATPU oo ah cutub howlgalada gaarka ah iyo dilal qorsheysan u qaabilsan dowlada Kenya, Laakiin wargeyska Declasifaayed wuxuu leeyahay waxaan goordambe baaritaankeena ku go’aanay in howlgalka Cumar Faraj aysan Fulin kooxda ATPU balse ay fulisay kooxda CIA-da sida tooska ah u hoostagta ee loo yaqaano RRT.

Sarkaal katirsan dowlada Kenya oo u waramay wargeyskan ayaa sheegay in habeenkii weerarkaas uu dhacayey ay kooxda RRT ku dabajoogtay nin lagu magacaabo Fu’aad Abubakar Mansawaab oo lagu tuhunsanaa weeraradii 2011kii ka dhacay Mombasa. Ninkan ayaa mar ka bad-baaday weerar ay kusoo qaaday kooxdan, balse markan waxaa kooxda amar lagu siiyey inay gabi ahaanba dilaan oo aysan soo qaban.

Xogta sirdoon ee ay ku socdeen ciidanka ayaa ahayd in ninka la baadigoobayo uu joogo guriga Cumar Faraj, iyadoo xaqiiqudna ahayd in shakhsiga bartilmaameedka ah uu xilligaas ka maqnaa guriga. Ciidamada ayaa weerar argagax badan kusoo galay guriga kadib markii ay albaabka soo jabiyeen, kadibna waxay toogteen Cumar Faraj, halka xaaskiisana ay si dirqi ah ku bad-baaday.

"Markii ay toogteen, aniga ayuu igu soo dul dhacay, kadibna dhiig badan baa ka daatay, waxay doonayeen aniga qudheyda inay I dilaan laakiin waxaan iska dhigay sida qof dhintay oo isaga ayaan dhinac seexday, dhiig badana wuu igu daatay, wey na soo dul istaageen si ay u hubiyaan inaan dhimanay, kadibna wey naga tageen” sidaas ayey tiri Raxmo oo ka sheekeyneysa il biriqsiyadii argagaxa badnaa ee ay la kulantay maalintaasi.

Waxay sheegtay inay maqleysay mid kamid ah ciidamada howsha fuliyey oo leh naga hubi inay dhimatay iyo in kale, balse waxay tiri taliyihiisii ayaa ku yiri soo dhaqaaq howsha wey dhamaataye.

Wargeysku wuxuu leeyahay dilkan wuxuu marxalad kala wareeg ah u ahaa howlaha shaqo ee ay heysay kooxda RRT. Kooxdan ayaa markii hore loo tababaray loona qalabeeyey kaliya inay soo qabtaan dadka looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Mujaahidiinta, una soo gacan geliyaan dowlada Mareykanka, su’aalo weydiin marsiiyaan ama u gudbiyaan wadamada kale ee CIA-da ku leedahay xabsiyada qarsoodiga ah, Laakiin howshaas waxay isbedashay intii lagu gudajiray wejigii 1aad ee muddo xileedkii Obama, kolkaas oo qaar kamid ah muslimiinta Kenya ay is hubeeyeen si ay isku difaacaan, islamarkaana ay qaarkood adkaatay in la qabto.

Sarkaal katirsan dowlada Kenya ayaa wargeyska u sheegay inay xiisadu sii laba kacleysay wixii ka dambeeyey markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya 2011-dii, xilligaas oo Muslimiintu ay isku wada raaceen inay Kenya tahay bartilmaameed sharci ah, gudaha iyo dibadana xabad uga bilaabatay, kolkaas oo uu sheegay inay lama huraan noqotay inay la helo aragtida loo aas-aasay ciidankan si ay u beegsadaan Muslimiinta gudaha Kenya ee ka dhiidhiyey duullaanka Kenya.

Sarkaal sare oo American oo kormeera howlgalada ay fuliso kooxda RRT ayaa sheegay in xeelada ugu weyn ee ay adeegsadaan ay tahay weerar kadis ah oo la qaadayo xilli mugdi ah, haddii ay soo qabasho suuragal noqon weysana la dilo qofka bartilmaameedka ah.

Wargeyska ayaa sheegay in CIA-da ay ciidamadan u soo tababartay qaab wuxuushnimo oo aan wax naxariis ah lahayn, wuxuuna soo gudbinayaa wareysiyo uu ka qaaday tobanaan askari oo horay uga tirsanaa kooxda iyo kuwa hadda qudheeda ka tirsan. "Markii nala tababarayey, waxaa na lagu amray inaan xuquuqul insaan iyo howlahaas aan guryaheena uga soo tagno oo aan wax bani’aadanimo ah la muujin. Haddii aad la mucaamileyso dad noocaan ah oo aysan kuu suuragaleyn inaad qabato oo aad istijwaabto, waxaa fiican inaad disho oo aad isaga dhan ka takhalusto” ayuu yiri mid kamid ahaa saraakiisha cutubka loo yaqaano RRT ee CIA-da hoostaga, xilli uu u waramayey wargeyska.

Marka laga yimaado dilka iyo qabashada, waxay sidoo kale ciidamadan mararka qaar ka qeyb qaataan inay dowlado kale u gacan geliyaan maxaabiista ay soo qabtaan sida uu tilmaamayo wargeyska. Sanadkii 2010-kii, waxay ciidamadan nolosha ku qabteen qof Muslim ah oo ay doon-dooneysay dowladda Uganda, si loo geeyo Kambala oo ay joogeen saraakiil katirsan sirdoonka Mareykanka, kuwa Ingiriiska iyo kuwa Uganda oo doonayey inay su’aalo weydiin adag mariyaan qofkaasi.

Inkastoo ciidamadan laga bari yeelo inay ku lug leeyihiin howlgalada wareejinta maxaabiista, hadana macluumaad hoose ayaa tilmaamaya inay kooxda RRT ka qeyb qaadatay camaliyaat badan oo dowlado kale loogu wareerjiyey maxaabiis laga qabtay Kenya, iyadoo ay sii dheertahay maxaabiis kale oo laga keenay Soomaaliya oo ay sii gudbiyeen.

Sarkaal katirsan cutubka Kumandooska ee RRT ayaa qiray in Maxbuus ay ka qabteen Nairobi ay marsiiyeen safar dhulka ah ayna geeyeen xaduudaha galbeed ee ay la wadaagaan Uganda kuna wareerjiyeen dowlada Uganda.

Warbixintan oo ahayd mid aad u dheer laguna soo bandhigay cadeymo badan ayuu wargeysku sheegay in ka hor inta aanan lasoo daabicin ay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Police-ka Kenya iyo wazaarada armniga gudaha ee Kenya ka dalbeen inay ka jawaabaan su’aalaha ku saabsan howlgaladan balse wey ku gacan seyreen inay kasoo jawaabaan dalabkaas. CIA-da ayaa dhankeeda diiday inay ka hadasho su’aalo laga weydiiyey warbixinta, halka wazaarada arimaha dibadda Ingiriiska ee kormeerta shaqooyinka hay’adda sirdoonka ee MI6 ay sheegtay in aysan ka hadleyn arimaha ku saabsan sirdoonka.

 

Related Items