Gaari gaashaaman oo ciidamada KDF looga gubay deegaanka Ceelwaaq.

Wednesday September 02, 2020 - 11:14:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari gaashaaman oo ciidamada KDF looga gubay deegaanka Ceelwaaq.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada gummeysiga Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari ciidanka Kenya looga gubay Gedo
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada gummeysiga Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka loo yaqaan Ceelwaaq Kenya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu haleelay ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen halka loo yaqaan (Wantay).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaari nuuciisu yahay Beebe oo ay wateen ciidamada Melleteriga Kenya ee loo yaqaan KDF, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadii la socday gaariga lagubay ay dhammaantood dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.


Shalay ayay aheyd markii weerar jidgal ah oo askar Kenyaan ah lagu laayay uu ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items