Iska hor'imaad culus oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Wednesday September 02, 2020 - 11:35:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaad culus oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ee dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ee dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.


Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee hoos yimaad degmada Balcad ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal culus ku dhaxmaray maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray iyo dagaalyahannada Al Shabaab.

Sida wararku sheegayaan  ciidamada Al Shabaab ayaa ka hor tagay dhaq dhaqaaqyo ay maleeshiyaadka Bangaraafta ka sameeyeen banaanka Balcad iyagoo qorshaynayay in ay falal arbushaad ah ka geystaan deegaanka Basra.

Dhinaca kale weerar culus ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee Sh/hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items