Sawirro: Dab khasaare geystay oo ka kacay mid kamida suuqyada magaalada Addis Ababa.

Thursday September 03, 2020 - 09:23:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dab khasaare geystay oo ka kacay mid kamida suuqyada magaalada Addis Ababa.

    Dab khasaara maaliyadeed oo aad uxooggan sababay ayaa ka kacay mid kamida suuqyada ganacsiga ee ugu weyn dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab khasaara maaliyadeed oo aad uxooggan sababay ayaa ka kacay mid kamida suuqyada ganacsiga ee ugu weyn dalka Itoobiya.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dabku uu ka kacay deegaanka CMC oo kaabiga ku haya suuqa loo yaqaan Gast Entertainment Mall oo ah goob lagu iibiyo alaabaha qaaliga ah.

Wakaaladda ka hortagga dabka ee magaalada Addis Ababa ayaa xaqiijisay in ciidamada gaarka ay ee dab damiska ay latacaaleen dabka ayna ku guulaysteen in ay bakhtiijiyaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dabku uu baabi'iyay dhowr dukaan oo lagu iibinayay Gaaska iyo agabyada guryaha la dhigto, lamasoo sheegin khasaara nafeed oo ka dhashay dabka ka kacay mandiqadda CMC oo ay ka adeegtaan dadka Jeebkoodu ladanyahay ee Ajaanibta ubadan.








Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items