Ganacsatada Suuq Bacaad oo Shaqa Joojin ku Dhaqaaqay Kadib Markii Lacago Baad ah ladul dhigay.

Saturday November 01, 2014 - 18:46:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Suuq Bacaad oo Shaqa Joojin ku Dhaqaaqay Kadib Markii Lacago Baad ah ladul dhigay.

    Ganacsatada degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa ka biya diiday awaamir uga timid maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan DF-ka ee gumeystaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa ka biya diiday awaamir uga timid maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan DF-ka ee gumeystaha la shaqeysa.

Intabadan goobaha ganacsiga Suuqa Bacaad ayaa maanta shaqa joojin ku dhaqaaqay kadib markii ganacsatadu ay diideen in ay bixiyaan lacago baad ah oo ladul dhigay.

Mas’uul katirsan guddiga ganacsatada Suuq Bacaad ayaa SomaliMeMo u sheegay in guddoomiyaha degmada Yaaqshiid uu ganacsatada dukaamada ku leh wadada laamiga hareeraheeda uu duldhigay calaa dukaan lacag dhan 3,000 Dollar.

"Maanta wax ganacsi ah kama jirin Suuq Bacaad ganacsataduna waxay diideen in ay bixiyaan lacago baad ah oo maamulka degmada Yaaqshiid duldhigay”ayuu yiri mid kamida ganacsatada Suuq Bacaad.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulan maanta gelinkii dambe ka dhacay xarunta degmada Yaaqshiid laysku afgartay in ganacsiga suuqa berri dib loo furo ganacsataduna ay bixiyaan lacag dhan 2,00 dollar.

Dowladda Federaalka oo musuq maasuq baahsan ka dhaxjiro ayaa bilaawday in ay lacago baad ah dul dhigto ganacsatada soomaaliyeed.

Related Items